Skip to content


Product Aftercare

Daaqadahaaga Cusub - Tilmaan Ku Saabsan Sida Loo Daryeelo Ee Looga Shaqeysiiyo

Window illustrations showing numerical relationship to the copy aside

Nadiifinta

Waa in daaqadaha ah PVC-U la nadiifiyo mudooyin joogto ah si aanuu u lumin muuqaalkooda asalka ahi. Tirada wakhtiyada la nadiifinayo waxay ku xidhan tahay jawiga jira laakiin waa in sharci guud ahaan la nadiifiyo qarka ama fiyaaradda isla wakhtiga la nadiifinayo qarshada ama quraaradda.

Habka ugu fiicani waa iyada oo la isticmaalo maro nadiif ah iyo biyo leh saabuun budo ah, oo u dhiganta inta loo qaso dhar-dhiqidda. Marna wasakhda ha ku xoqin maro qalalan ama badh ahaan qalalan sababta oo ah taasi waxay keeni kartaa in oogadu xoqanto.

Oogada gudaha ah waxa lagu dhalaalin karaa dhalaaliye wiciyad oo silikoon ah oo aan midab lahayn (silicone furniture polish) ka dib maydhista haddii loo baahdo.

Xaalado Gaar ah

Haddii loo daayay inay si weyn wasakh u noqoto, waa in loo nadiifiyo sida lagu taliyay ee kor ku taala. Haddii wax ah baro foolxun ay wali ku sii yaalaan, waa in laga qaado iyada oo la isticmaalayo labeen aan wax xoqeynin oo ah nooca guryaha lagu isticmaalo, laguna xejiyaa maydhis.

Waa inaan nadiifinta loo adeegsan alaabooyin wax jaraya ama xagasho leh sababta oo ah kuwaasi waxay sababi karaan in oogadu xoqanto. Gaar ahaan iska ilaali isticmaalidda kuusaska birta ah, sababta oo ah waxay kuwaasi keeni karaan baro joogto ah ama aan tagaynin.

Qarshada/Quraaradda

Waa in qarshadda ama quraaradda lagu nadiifiyo nadiifye daaqad oo caadi ah.

Hagaajinta Daaqadaha

Xejiyeyaasha daaqada ama hingisyada waa in si khafiif ah la mariyo saliidda dawaarka ama harqaanka. Si aad wax uga beddeshid isliska xejiyeyaasha– dhaqaaji iskuruuga naxaasta ah ee halka ah ee ku yaala barta isliska ee madow.

Gacmaha Daaqadaha

Kuwaasi hagaajinta ay baahan yihiin way yar tahay; hase yeeshe haddii ay adkaadaan mari in yar oo ah saliidda dawaarka ama harqaanka.

Habka Ka-shaqeysiinta

Si aad u furtid daaqadda waa in barta am butoonka ku yaala gacanta hoos loo riixo taasoo keenaysa in gacantu wareegto (1). Si aad u xidhid, wareeji gacanta ilaa barta xidhista ka dibna si toos ah ayuu butoonku meeshiisii ugu noqonayaa (2).Waxa kale oo daaqaduhu leeyihiin goob ku-talogal hawo la helo habeenkii. Si aad u hawlgalisid ama u isticmaashid ku-talogalkaa, daaqada u fur sida kor lagu sheegay adiga oo furaya qiyaastii 1⁄2 hiish ama inji ka dibna bartaa ku xidh daaqada adiga oo wareejinaya gacanta. Taasi waxay keeni doontaa hawo joogto ah iyada oo wali daaqadu xidhan tahay (3).

Daaqadaha Leh Xejiyeyaal Bixid

Dhamaan daaqaha dhinac ka lusha waxay leeyihiin xejiyeyaal kuu ogalaanayaa inaad daaqadaha ka nadiifisid gudaha guriga. Marka si buuxda loo furo, daaqadu waxay iman doontaa meel kuu ogalaanaysaa inaad qarshada ama quraaradda dibadda xigta nadiifisid adiga oo jooga gudaha gurigaaga. Waxa kale oo xejiyeyaashu leeyihiin ku-talogal Bixid Degdegga ah (4). Marka kedis ama degdeg jiro, waa in daaqada si buuxda loo furo, ka dibna waxa loo riixi karaa dib si loo helo balaca furitaan ee ugu weyn (5). Ka dib isticmaalka waxay daaqadu si toos ah ugu soo laaban doontaa meesheedii caadiga ahayd.

Albaabadaada Cusub - Tilmaanta Sida Loo Daryeelo

Illustration of a Norfolk Frames door

Waxa aad haysataa albaabo tayo sare leh oo magaaladu leedahay oo gurigaaga lagu rakibay. Sannado badan ayay kuu shaqeyn doonaan dhib la’aan iyaga oo u baahan kaliya daryeel yar oo ah nadiifin.

Halkan waxa ku yaala dhawr waxyaabo oo la sameeyo iyo dhawr wax oo aan la sameyn oo kaa gargaari doonaa inaanad dhib kala kulmin inta ay jiraan albaabadaadu:

SAMEE – Quraarada si joogto ah ugu nadiifi quraarad nadiifiye hoore ah oo nooca la buufiyo.
HA SAMEYN - Ha ku isticmaal nooc kasta oo ah cajiin ama labeen nadiifiye ah.

SAMEE - Albaabada ku dhaq biyo diiran oo saabuun leh ka dibna masax si ay u qalalaan.
HA SAMEYN - Ha isticmaalin nooc ka mid ah cadeeye (bleach).

SAMEE - U hubso in xejiyeyaasha albaabku aanay lahayn wasakh iyo siigo, iwm.
HA SAMEYN - Ha isticmaal wax ah mille ama xabag.

Xejiyeyaasha waxa sannadkii mar lagu saliideyn karaa saliid khafiif ah

SAMEE - Na soo wac haddii dhibaato kaa haysato albaabadaada. Waxa la ballanqaaday inaanay cilad yeelayn mudo ah 10 sannadood.
HA SAMEYN - Ha isticmaalin waraaq wax xoqaysa ama alaabta kale ee nadiifinta.

Sida Looga Shaqeysiiyo Albaabadaada Cusub

Albaabka HorE

Si Aa U Xidhid
  • Riix albaabka ka dibna albaabku waxa uu ku xidhmi doonaa qabatada. Si aad amaan uga dhigtid gacanta sare u qabo, gali fure ka dibna wareeji hal wareeg.
Si Aa U Furtid
  • Gali furaha ka dibna wareeji hal wareeg. Si buuxda gacanta hoos u jiid ka dibna sii daa, wareeji furaha si aad u gashid albaabka.

Albaabka Dambe

Si Aa U Xidhid
  • Kor u wareeji/u qabo gacanta, gali furaha ka dibna furaha wareeji hal wareeg.
Si Aa U Furtid
  • Gali furaha, wareeji hal wareeg ka dibna ka saar furaha, si buuxda gacanta hoos u jiid.
Haddii Aan Qabatadu Shaqeyn
  • Dib u gali furaha ka dibna wareeji si aad uga saartid qabatada.

Waxa Lagu Talinayaa in Dhamaan Boolasha La Saliideeyo Hadba Mudo Ka Dib.